Ambaashatoorada Carbeedoow! Duco Iyo Daryeelba Adinkaa U Baahan!

Ambaashatoorada Carbeed! Cid kale maahee waa adiga iyo aniga iyo Soomaali kale. Ambaashatooradu waa dad aan is ogeyn balse aad u carbisan, dadaal iyo karti dheeri ahna loogu dowgalay, waa dad habeen iyo maalin marna aan ka seexan howlahooda shaqo, waa dad aan cid lala simi karaa jirin marka ay timaado takhasuskooda, waa dad haddii la xisaabiyo juhdiga ay bixiyaan mudnaan lahaa in lagu siiyo bilado waaweyn oo daara la eg. Waxba yaanan war kugu daaline ambaashatooradu waa dad dhankastoo la eegaba u jajajaban shaqadooda. Waxaase su’aal ah qolomaa magacaabatay oo ay u shaqeeyaan? Yaa siiya mushaarka, maxayse tahay shaqadoodu? Armaadse adigu laftaada ka mid tahay iyaga, ama haddii kalaba aad taqaanaa tilmaanta lagu garto? Bal hoos u raac qormadayda adigaa ka bogan doonee!
Aan ku horeeyee haddii aanad ka mid ahayn adigu, tilmaamaha aad ku aqoonsan karto ambaashatoorka carbeed ee Soomaaliga ah waxaa ka mid ah in muuqa hore (Profile) ee Facebook-ga u saaran yahay mid ka mid ah sawirada ama calamada wadamada carbeed sida Falastiin, Ciraaq, Suuriya, Yemen iyo qaar kaloo badan.
Waxay had iyo goor soo galiyaan sawiro iyo muuqaalo farabadan oo carbeed waxayna korka kaga xardhaan ereyo qiiro leh oo ay ka mid yihiin: “xasuuqa Falastiin xisaab baa ka dambeysa,” “Bal eega dhibka lagu hayo walaalaheena Ciraaq iyo Suuriya” “Aaway ummaddii muslimiinta, miyeynaan u damqaneen walaalaheen reer Falastiin ama Ciraaq iwm…
Xisaabta ku darso, ambaashatooradani cidna ma magaacaban ee iyagaa is magacaawday, mushaarna ma qaataan oo waxay ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso! Shaqadooduna waa inay had iyo gooraale baraha bulshada ku soo bandhigaan dhacdooyin maalmeedka wadamada carabta. Intaas kaliya maahane, waxay soo geliyaan doodo iyo qoraalo far waaweyn ay ku qoreen oo qaarkood ay ku codsanayaan in loogu duceeyo wadamada Carbeed, marmar waxaaba dhacda in ducada ay dadka ka qasbaan ayagoo dhahaya “Allaan kugu dhaariyee aamiin soo qor!”
Inyar mooyee inta badan ambaashatooradu ducooyinka ay qasbadaan iyo kuwa kalaba marna kuma daraan dalka iyo dadkooda dhiban ee Soomaaliya, halka ay ducooyin dhaadheer oo aan habeen iyo maalin kala joogsan u meeriyaan wadamada carbeed!
Hadaad xasuusato, bilowgii qormadayda waxaan kuugu sheegay in Ambaashatooradani yihiin aniga, adiga iyo Soomaali kale oo aan is ogeyn. Ismana ogoo waxaanay ogeyn cida ay yihiin in ay ka dhasheen dal iyo dad burburay oo dagaalo iyo rabshado la mid ah ama kaba daran kuwa Carbeed ku jira 25 sanadood.
Haddii canug yar oo carab ahi badda ku dhinto ama guri kusoo dumo waxay 24-ka saac sawirada canugaas la wareegaan baraha bulshada sida Facebook, waxayna catawga iyo calaacalkooda gaarsiiyaan guud ahaan ummadda. Nasiib daro, haddii qaraxyo lagu hoobtay ka dhacaan Soomaaliya, ama caruurteenu ku baaba’aan badaha ambaashatooradani marna lama maqlo warkooda!
Guud ahaan tusaalooyinka ambaashatooradani waa astaan muujineysaa qeyb ka mid ah dareen iyo dadnimo la’aanta bulsheed ee ina heysta. Waxay kaloo cadeyn u tahay sida aan ugu jajajaban nahay arimaha shisheeyaha una ilowsanahay teenii gaarka ahayd. (Tiisa daryeele baa tu' kaleeto ku dara!).
Gunaanadka qormadan waxaan ku dirayaa dhambaal ku socda guud ahaan ambaashatoorada carbeed ee Soomaaliga ah inta is og iyo intaan is ogeynba waxaanan leeyahay: AMBAASHATOORADA CARBEEDOOW! DUCO IYO DARYEELBA ADINKAA U BAAHAN.
WQ: Abdullah Kullane

Comments