Farmaajow maka fiirsatay mase waad fududaatay?


     Farmaajow, Soomaalidu waxay tiraahdaa fulay xantii ma mooga oo waan hubaa inaad ka warheyso in inbadan oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ahi ay kugu xamato fudeed iyo ka fiirsi la’aan kadib dhacdooyin dhowr ah oo is xigay xasaasiyad badana ka abuuray bulshadda dhexdeeda, oo aan ka xusi karo dhiibistii Qalbi Dhagax iyo weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba sababay inay dowladdu ku lumiso taageero farabadan shaki badanna ku reebay bulshadda qeybaheeda kala duwan.

Aan soo qabto tan manta taagan ee heshiiska 4-ta dakadood ee dowladdu la gashay Ethiopia iyo hadalkii Raysalwasaaraha Ethiopia ee ahaa inuu madaxweynaha kula heshiiyey in Somalia iyo Ethiopia laga dhigo 1 wadan. Su’aasha qof kastaahi isweydiinayo manta waxa weeye heshiiskani ma mid miyirqab iyo ku talogal ku yimid baa mase waa mid fudeyd iyo ka fiirsi la’aan ku yimiday? Si kastase haku yimaado e, waxaan rabaa inaan halkan ku xuso dhowr qodob oon ku cabirayo fikirkeyga ku aadan arintan.

Waxba waxbaa ka horreeya!

Waxaa xusid mudan inaan ugu horreyn madaxweynaha Soomaaliya, raysalwasaaraha iyo xukuumadaba xusuusiyo in ay gabeen wax ka qabashada adeegyaddii aasaasiga u ahaa dowladnimadda sida amniga, waxbarashadda iyo caafimaadka. Waxaa xiran wadooyinkii waaweynaa ee magaaladda Muqdisho, waxaa had iyo gooraale dhaca qaraxyo qasaare kala duwan gaarsiiya shacabka Soomaaliyeed, intaa kaliya ma ahane waxaa maalin kasta magaaladda Muqdisho kaliya lagu toogtaa dad farabadan oo aan waxba galabsan.

Ma jirto nidaam waxbarasho tayeysan oo dalka ka jira marka laga reebo dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ay kaliya dhigtaan caruurta waalidkoodu awoodo bixinta lacagaha dugsiyadaas. Waxaad arkeysaa dacdarada caruurta Soomaaliyeed ku heysata darbiyada iyo daafaha magaalooyinka. Sidaas si la mid ah ma jirto adeeg caafimaad oo ay dowladdu ugu talogashay shacabka oo waxaa mar walba hooyooyin iyo caruur Soomaaliyeed u geeriyoodaan xanuuno laga tiray dunida inteeda kale sida duumada iyo daacuun caloolaha.

 Su’aasha isweydiinta leh ayaa noqoneysa maxay dowladdu wax uga qaban la’dahay dhibaatooyinka adeegyada aasaasiga ah ee dowladnimadda saldhiga u ah oo ay ugu kala ordayaan heshiisyada shisheeyaha iyo shirarka caalamiga ah?

Ma joognaa xili ku haboon iskaashi ganacsi oon la galno Ethiopia?

Waxaan filayaa in jawaabta su’aashani tahay Maya! Sababo dhowr ah aawadood:
1.      1.  Wali ma bogsoonin nabaradii xanuunka badnaa ee xasuuqii ay Ethiopia ka geysatay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho sanadihii 2006-dii ilaa 2009-kii.

2.      2.  Soomaaliya ma lahan dowlad sal-adag oo nidaam degan leh, lehna qubaro ka fiirsi iyo feejignaan isku darsaday oo u tababaran heshiisyada nuucaan ah, maadaama heshiisyadan ay saameyn balaaran ku yeelanayso mustaqbalka dalka iyo dadka.

3.       3. Ethiopia waxaa inooga maqan dal iyo dad Soomaaliyeed oo xoog iyo caburin lagu qaatay, inaan heshiis nuucan ah la galnana waxay dhabar jebineysaa himaddii Soomaaliweyn, waxayna ka marag kacaysaa inaan ka raali nahay dalka iyo dadka inooga maqan Ethiopia.

Afarta dekadood qolomaa leh?

Waxaa nin la oran jiray Wiilwaal laga hayaa murti caan baxday oo ahayd “maxaa saca naasa adag iyo colka kulmiyey?” Waxaan uga gol leeyahay dhowaan ayay ahayd markii dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday in dalkoodu dhisanayo ciidamo badda ah wallow aanu wada ognahay in Ethiopia aynaan lahayn wax bad ah. Hadaba heshiiska 4-ta dekadood maxaa kusoo beegay dhismaha ciidanka badda ee Ethiopia? Ethiopia ma waxay maraakiibteeda dagaal iyo ciidankeeda badaba saldhig ka dhigan doonaan xeebaha Soomaaliya?

Muxuu yahay Farqiga u dhexeeya hadalkii Xuseen Caydiid iyo heshiiska Farmaajo?

Waxaan wada ognahay inteena xasuusata in sanaddii 2007-dii uu Xuseen Caydiid oo xiligaas ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo raysalwasaare ku xigeenka dowladdii C.llaahi Yuusuf uu ka dhowaajiyey in dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia ay yeelanayaan 1 baasaboor oo laysugu wada safro. Xuseen Caydiid wuxuu hadalkaas u arkayey mid caadi ah isagoo cabiranayey dalalka reer Yurub ee ku midoobay 1-ka baasaboor ee lagu wada safro, balse waxaa ka hoos baxday in xiligaas aysan ku habooneyn fikirkaas ugu dambeyna kaliftay inuu iska casilo xilkii uu ka hayey dowladdii C.llaahi Yuusuf isagana baxo siyaasadda.

Heshiiska Farmaajo wuu ka duwan yahay hadalkii Xuseen Caydiid oo Xuseen wuxuu ka hadlayey baasaboor laysugu wada safro oo qura, sidaas la mid ahna waxaa dhowr jeer ka hadlay arintaas hoyaamiyihii la dilay ee Liibiya Mucamar al-Qadaafi oo dadaal ugu jiray in Afrika ay yeelato Baasaboor mid ah. Balse heshiiska Farmaajo ee dakadaha iyo hadalka raysalwasaaraha Ethiopia ee mideynta  Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu si weyn u burinayaa guud ahaan mabaadii’ida Soomaalinimo wuxuuna hoosaasinayaa qorshihii gumeystaha ee ahaa in Soomaaliya mar un la hooskeeno calanka Ethiopia!


Gunaanad, waxaa madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisaba looga fadhiyaa inay jawaabo cad ka bixiyaan heshiiska lala galay Ethiopia iyo qorshaha ka dambeeya. 

Comments