Hadimo


Hadimaddii qabiilkiyo
Hurgumaddii dagaalkaa
Halbowlaha i goysoo
Ii diiday harsiimiyo
Nabad aan ku hoydee!
Hanfi iyo dabeyshiyo
Gaajiyo haraadkana
weygu heeranyiinoo
Hadalkii ma karayoo
Naftii baa i heysoon
La hardamaayaa!

Meeyey hanadadaydii
Heeganka ii ahaan jiray?
Aaway hablahaygii
Ii howlananaan jiray?
Miyey wada hayaameen
Mise wey hurdaanoo
Warba iima haayaan?

Abdullah Kullane
01/04/2016

Comments