Wallow!

Wallow diifi igu taal
Oo dakanada qabiilkiyo
Qabyaaladu i daashatay
Wallow ay dadkeygii
Daciifnimo aan liitiyo
Dulli ii horseedeen
Wallow dunidu idilkeed
Igu daawadeenoo
Digasho iigu darayeen
Wallow ay dulaaliin
Ila diir wadaagtana
Dibada ii beec-geeyeen
Alle Daa'in weeyee
Daruur nabada baa curan
Hogol ii da'aysiyo
Dowladnimaan helin
Dalka aanu leeniyo
Calankeena doogaa
Samadaa dusheeniyo
Dayaxuu la baratamin
Ensha Allah
Abdullah Kullane
01/09/2014

Comments